Gabayada abawaan Maaweel
Gabayadan waa ku wisii ugu caansanaa iyo kuwii ugu caansana aee ay raga maansada colaadeed ka dhexay say uu
ugu jawabay ee la soco.
Cabdillaahiyoow hadal rag kale ha igu ceebayne
Casho keliya meelaan maraad igu cadhayseene
Caddaana uma hubtide awgayoow ways cunsuriseene
Cadri baad I saarteen abtoow adiyo cuurkaaye!!!.
2
Barre wuxuu Siraadley u koray guudkana u seexday
Maaweela surucii ku kacay Surrad u gaadhsiiyey
Oo labada buuroode siman maanta kala saaray
Oo ay safaynka u yihiin loona kala soocmay
Ee reer Sanaag nabad gelyada ugu safaadaayo
Ma sinsaaro xidid baa dhacdoo maro la saaraayo
Ma sabool hunguri jiitey baa loo suburi waayey
Ma sokeeye gaajaysan baa sarar wan weyn qaatay
Ma ciqaabadaa sahakan dhacay laysku weada seegay
Mise reer magaal saaqidaa seef isugu dhiibey
Saqda dhexe waxaa loo tumaa sacabka waa xeele
Sididiida iyo hiihdu waa sogordoh waayeele
Suul-daaro meel loo wadaa lay sandahayaaye
Ilaa gabayga meel lagu sardoho sababna loo yeelo
Oo aan saxiixiisa helo waydin sugayaaye
Saaxiibayaal noo dhakhsada waydin sugayaaye!!.
3
Sakaar weeynta Kiiniya marakaad saar la tumanaysey
Saqda dhexe habaynkii adoo saambe jebinaaya
Adigoo surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka
Oo aan sanqadhi kuu baxayn laguna saaraynin
Oo sawdka kaad ugu jeclayd sare u qaadaaya
Simbiidhooyinkaad dhigi jirtiyo seleladaadii dheh!!.
Khaliif Xasan Walah wuu ii soo jawaabay, waxaana ka
mid ahaa gabaygii uu ii soo diray:
Sakaar weeynta Kiiniya markaan saar la tumanaayey
Markii aan surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka
Kolkaan sawdka kaan ugu jeclaa sare u qaadaayey
Ma saqeeyihii baa warramay gurayey saabaanka
Ma sameecaddii baad ahayd hadalka saydhaysey
Siglankiyo halawgii miyaa kuu sudhnaa dhegaha
Duq sagaashan jirey baan ahay iyo dayr siyaada’ahe
War maadaa sirtaydiyo ogaa waxaan samaynaayey!!
4
Dadqal yahow hunguri daamadaa dawgalkaa yahaye
Dibnahaa Illaah kaaga dhigay dararti maandeeqe
Ninkaan dabaqa kuu buuxinayn waad dudubisaaye
Sida aarka Doollo iyo fadhiya daarsi iyo Faafan
Oo wiig intuu soo dib jirey digi ka yeedhayso
Oo daacuftiisiyo wejiga laga dedoonaayo
Oo debedda soo yuururaan cidi danqaabaynin
Dawo ma leh naftaad maalintaa daanka gelisaaye
Sida roob intuu dirin cuskaday doog ka bixi waayey
Ama Diiri meelay gashay oo daaqi ka idlaysay
Ama bohol dalooshoo cirkii da’ayey
qoyn waayey
Durdur lacaga, duufaan nimca ah ah, daaro wada Luula
Deeqii Illaaheen haddii lagu dabaalsiiyo
Kolba adigu kii diif lahoo duud xun baad tahaye
Hadba ruux dal dheer kaa jiraad doona leedahaye
Dahraan iyo Xijaas iyo intaad Khobor ka soo duushey
Daman maysidoo waxa ku galay damac magaalada’e
Dayrkii Sucuudiga intaad duhur ka soo boodey
Dadkeenii anaa kuu hadhaye ma igu soo duushey!!.
Saaxiibkiis Barre-yare kolkuu tixdayda helay ayaamihiiba
wuu ka soo jawaabay oo wuxuu u soo tiriyey tixdan, wuxu yidhi:
Daldalyohow af xumo duur xuluu dawgalkaa yahaye
Dibnahaa Illaah kaaga tiray sun iyo deebaaqe
Nikaan dabar lugaha kaaga xidhin daqarna kuu geeysan
Amaan daanka feedh kaala dhicin waadan dayn karine
Haddii duunyo cay lagu helo oo dawlad lagu gaadho
Daarood ku sii hadaladaan daahirka ahayne
Dadka kalena waa kuu fasaxay adiga deelqaafe
Duqsina wuxuu gubtaa maalintuu maraq dabaashaaye
Daf uun baad I soo tiri sidii xaabo daad sido’e
Nina haddii dabaakh lagu ismo uu daasadaha maydho
Danba wuu isaga yeelan jirey damaca naagoode
Inaan maraqa kaa daadiyaad igu diraysaaye
Sida aarka Doolliyo fadhiya dabaqyadii hawdka
Dadkoo iga fajacay xoolohoo didaya xiinkayga
Waxaad iiga daba qaylisaa Dawac sidiisiiye
Buuraha dubaaq xaajadaan geeyey dabadooda
Maadaa duwadey dhawr ninoo doonayaa jiraye!!
5
Nimankii qurbahan laasimoow aaxin soo noqoye
Leedada fardaha kuma galaan odayo liitaaye
Leexada markuu tiigsadiyo laashimo u muuqda
Laafyaha markuu kala baxshood leeb la galay mooddo
Laxaadkiisa wiilkii qaboo labaca mooyaane
Lawyadu ninkii ay debceen loodin kari waaye
Lixdan idinka oo wada jiruu liicay dhabarkiinu
Lanleebadu markay idin gashaad luufka barateene
Haddaydaan hablaha laylyanayn haysku laalina’e
Lebis fiican waw iibisaan laasin qaayo lehe
Ha yeeshee halkaan laabtu jirin kuma lulmoodaane
Leeleelka dumarkii Kuweyd looxa lagu duugye
London bay ka faalaynayeen maanta labadiiye
Wax la yidhi libdhada soo baxdiyo laydha ma arkaane
Wax la yidhi lamaanaa ka xidhe lug iyo waaxdeede
Haddayna le’anayaan gacalka jare
umana laabtaane
Siday Luul ka gurayaan dhulkay laan ku qodayaane
Lafse qaloocan baa laga alkumay liisha naagaha’e
Hadba meesha lagu laynayuu ladh uga muuqdaaye
Lalabaha hadaydaan ka dayn laadka iyo hiifka
Amaad laamiyada raadisaan waydin lurayaane
Lo miyaa gabdhuhu qoob ka xidha waad ka lulataane!!
6
Xasaradow miyaa Maxamedoow xarafki kaa weecday
Xigaaliyo qaraabiyo tol iyo xidid ma ceebaysay
Miyaan xaal ku qabanayn af waa lagu xujoobaaye
Nin magaalo wada xaasidaa waa xaqiirnimo’e
Waxa aan xogtii helay inaad xaasna leedahaye
Taadaba xoriyad sii haddaad xumo la doonaysid
Anagana xijaabkaa u daa xaydka lagu meershey!!
7
Xisaabtayda Sheef kuma qorayn mana xusuusnayne
Inuu aniga ii xaydan yahay ma xusbadaynayne
Lugtooday riyuhu xaabadiyo xanan ku doontaane
Xaruurigan magaalada degsaday ways xanibayaaye
Goortay xamaasadi dhacdoo la isku xayraamo
Xisbu mucaarad sida uu yahoo Harar xoraynaayo
Xusul duubka iyo guuraha iyo xawligiyo diifta
Xididka iyo sokeeyahaba waa inuu xujeeyaaye
Sidii habar xinaha iibisa oo xaafadaha meerta
Oo xoogag diirdiiran oo xeegada ciyaarta
Xagaasuu u sii qaadayaa waruu xambaaraaye
Muxuu xaal igaga doonayaa xilo miyaw jooga!
8
Halkii lagu dhintaa buu nin ragi guul ka dhaliyaaye
Midse dumar dhexdoodiyo haween qaad ku dhilanaayey
Inuu golaha dhinac joogsadaa waa waxaan dhicine
Dharaarahanse Maaweel haddaad hadal la soo dhooftay
Dhamaan baa diyaar loo ahaa kaan dhaliil geline
Haddaanu dhaawac kaa yeelanayn waanu kaa dhuriye
Dhowaanse reer Margaab1 sheekadaad
kula dhex meeraysey
Ogoobeey dhankaad ula qasdiday nooma dhaadhicine
Dhabaan kuula wadayaa hadduu dhaamo kii hora’e
Haddiise xarafku kaa dhaaban yahay lagu dhaleecowye
Aniguna inaan kula dhigdhigo haw dhursugin taase!!.
9
Bashiiroow warkaad soo dhurtee igu dhaleecaysay
Dhawdaad lyeedhiyo dadkood dhiilo gelinaysid
Sidii dhagax qof waalani ridoo dhiibshey gacantiisa
Dhab-darro iyo is yeel yeel inaad dhalada ii xaadho
Oo aadan ii soo dhabacan cidi ma dhaadayne
Dhayalse hadalku iigama tago iyo magane dheel dheele
Dhuuxiyo laftaan kala sugay iyo seedahaw dhigane
Dhulkana waxaan u doojaa sidii dhibicda roobaade
Inuu gabaygu kaa dheeliyaa waa dhirrici weeyne
Raganimada waa loo dhashaa lalana dhoofaaye
Dhacadiidka guudiyo ma aha dheehan kugu yaale
Waa dheefta maankiyo caqliga la isku dhaamaaye
Waxyna abeeso kugu dhaawacdaa dhul ekaansha’e
Waa dhabana hays Dhidar libaax dhaar u soo diraye
Dharkayna caanihiis lama dhamoo waad ku dhimataaye
Dhunkaala waxaad cantuugtaa markaad dheelmo leedahaye
Hadday nabadu waa lagu dhergaa kuu dhadhami weeydey
I dhegayso caawaan tixaha kuu dhambalayaaye
Markase suuqa laysula dhaco iyo dhaantadiyo jaadka
Dhan kaluu jiraa dumar ninkii laga dhex waayaaye
Ha dhabqinina afsoomaaliga oo haysu dhiibina’e
Haddaad hadalka dhiiftaad u tidhi kaga dhabaynasid
Ha dhuumaalaysanine maad halkaa horay u soo dhaaftid!
10
Dhardhaaradu hadday laba yihiin dheri ma qaadaane
Waxaa dhagaxa kale loogu daray shaygu yuu dhicine
Qofna keli ma dhiirado haddaan dhawr la ciidamine
Dhuuryaale kama liidanee aan isku dhoobnaano!.
Col la dheelmay meel lays dhigay iyo guluf dhalaan
dooxa
Dhinacyada hayaayda u baxday iyo dhiilo dami weeydey
Adigoo dhabiibyey oo jilcay oo dhoombir kugu yaalo
Dhakhtar kula tegyaa iyo si kale kuula dhididyaaba
Nimaan dhidid adoogaa ku jirin dhaqana kuu keenin
Hadday dhahato waa kaa tagaa kuuma dhiidhiyo’e
Dhabar baan ka soo wada baxnay iyo dhayso habaraeede
Wuxuuna dhabarku ii daalayaa yaadan dhaxamoone
Dhabbo keliya aan wada marroo aan isku dhoobnaano!.
Dhafrkii tidcani aqalka waa dhidib adkeeyaaye
Shan dhagaatiyaal wada jirkood dhumucdu weeyaane
Hadday dhudiba meel taagan taahay dhiil ma hayn karo’e
In kastoo dhufeeciyo xaskulo dhuub leh laga diiro
Lama kala dhuftee xadhiga waa la isku dhawraaye
Inaguna dhiggiisaan nahee aan isku dhoobnaano!.
Dheeriyo dhowiyo jooge iyo dhaafi iyo qaayib
Dhedig iyo labood ceebtu waa ina dhex taallaaye
Dhalinyariyo waayeelba waa ina dhibaysaaye
Dheg la jaray daloolkaa hadhiye aan isku dhoobnaano!
11
Soomaali xidid baa furraa tan iyo xaataaye
Waxaana xawl marriidada ka galay xeer qabiil dhigaye
Xanjareeridaasay tolimo ku xejinaayeene
Ilaa kaas la xidho Baanday2 uma xasilaayaane
12
Dhul shisheeye dhacadiidsi iyo ma laha dhaax jooge
Dharaar iyo labaa lagu sugaa dhaanka kuu maqane
Haddaad dhaaftid noloshaadu way kala dhantaalnaane
Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!
Dhurwaayada dad quutaa jiroon dhaafin oo cuna’e
Dhinacyaa u wada kaydsan iyo Dhidar baruur weeyne
Dhudhun dhaylo Khaansiir kuwaa dhuuxayaa jira’e
Dhegsin Haram-cad, dhay jeex Dawaco hilib la dhuundhuunshey
Daayeer dhuguugucay haddii Dhiishka lagu siiyo
Waxaan waalidkood dhaawan jirin waa ku dhegayaane
Dhira dhabato iyo caano aad dhirin dhir moodaysid
Ama dhiil khamriyahoo la furay wayska dhamayaane
Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!
Gabayadan waxaa ay Maaweel Is dhaafsadeen rag kale