Gobolka Sanaag waa gobol aad u baaxad weyn, laguna qiyaasi karo kala badh
khariiradda Jamhuuriyadda Somaliland. Gobolku wuxu hadda ka kooban yahay
ilaa 11 degmo oo isugu jira derejooyinka A, B, C iyo D, degmooyinkaas oo
isugu jira kuwo qaddiimi ah sida: Ceeri-gaabo (Magaala madaxda), C/Afweyn,
Garadag, Badhan,Laas-qoray iyo kuwo tuulo ahaan u jirey qaarkoodna taariikh
dheer leeyihiin, laakiin degmonimadoodu curdin tahay sida: Maydh, Xiis,
Darar-weyne, Fiqi-fuliye, Dhahar iyo Hadaaftimo. Gobolku wuxu xuduudo la
leeyahay degaammo kala duwan sida gobolka Sool oo Koofur iyo koofur bari ka
xiga, Saaxil oo ka xiga koofur galbeed, Bari iyadoo xuduudda gobolku boosaaso u jirta
10 mayl oo keliya,
Galbeed iyo woqooyina Badda cas. Gobolka Sanaag wuxu deegaan ahaan u
qaybsamaa buuraleyda silsiladda golis, dooxooyin, bannaano waaweyn, xeeb iyo
sool. Wuxu gobolku qani ku yahay xoolaha nool(Adhi, Geel, Lo',Gammaan,
Shimbiro iyo ugaadh), kalluunka, beeraha, beeyada, macdanta, Dalxiiska iyo
goobaha taariikhiga. Xoolaha nool ee laga dhoofiyaa ma badna, beeyadana si
nidaamsan looma dhoofiyo, suuq-geyn wanaagsanna ma hesho. Kalluunka waxa
gurta kalluumaysato shisheeye oo u badan Yamaniyiin kuwaas oo ay odayada
deegaanka iyo abbaanadoodu ka qaataan wax-xoogaa shidaal ah.Beeruhu waxay u
badan yihiin dooxooyinka biyaha leh iyo dur-durrada buuraha ku dhex-yaalla
sida: Midhashi, Jiidali, Xamaas,Afaaf, Goob, Bixin, Dayaxa iyo Gal-ruble,
dalagyada laga beerto gobolkana waxa u badan: baradhada macaan, basasha,
Kaabashka iyo hadhuudh aan badnayn, wax la dhoofin karaana kama soo go'aan
marka laga reebo baradhada oo la geeyo Puntland, waxa iyaguna jira
xidhmooyin cawseed. Gobolka sanaag wuxu xarun u ahaa kuna aasan
awoowayaashii hore oo ay qabiilooyin badani ku ab-tirsadaan sida Daarood oo ku aasan Haylaan Sh.Isaxaaq
oo ku aasan Jiidali
iyo durriyaddisa, Samaroon, Ciise, Madigaan, Sh.Nuh (Abasguul) iyo kuwo kale
oo badan. Waxa kale oo gobolka ka muuqda raadad badan oo muujinaya in ummado
kala duwani iska beddeleen, una ekaysiinaya meel asal u ah ummadaha Geeska
Africa,waxa jira godad sawirro iyoxuruufiba ku xardhan yihiin, waana meeshii
faraaciintu u taqaannay dhulkii Ilaahyada (Puntland). Dhinaca macdantana
waxa la isku raacsan yahay in gobolka ay ka buuxinaan dhag-xaan iyo firiyo
kala jaad ah oo macdan ah, dad aan badnayn ayaana wax ka qota godad yar-yar.
Gobolku wuxu leeyahay xeeb- dheer oo ay ku taxan yihiin marsooyin yar-yar
sida: Maydh, Xiis, Ruguuda, Shalcow, Conqor, Xarshow, Laas-qoray, Ceelaayo.
Xeebahani waxay ku habboon yihiin ganacsiga iyo dalxiiskaba. Dhinaca
dalxiiska waa gobol qurux iyo hidda-sami u haysta, isha dheehataana aanay ka
xiisa-go'ayn, waa dhul isugu jira buuro circa ku shareeran, dooxooyin carris
ah, bannaano ugaadhu daanshadaanshooto, xeeb diirran iyo sool dhir isku
dhafanle. Waxa gobolka ku yaalla Buurta ugu dheer dalkii Sooamaaliya la isku
odhan jirey ee Surad, buurta ugu quruxda badan ee Daallo oo ay ka baxaan
dhir u gaar ahi, marar qaarkoodna daruuraha ayaad hoos u eegaysaa. Waxa
iyaduna badda cas dhexdeeda ku taalla, una dhow xeebta Maydh buurta rabshiga
oo ay shimbiruhu fadhiistaan kuna dhalaan xilliyada ay hayaanka dheer ku
jiraan oo marka laga tago dalxiiska laga heli karo digada beeraha lagu
nafaqeeyo (Fertilizers). Waxa quruxda gobolka soo koobay gabaygii uu Alla ha
u naxariistee Xaaji Aadan Axmed Af-qallooc ku ammaanay gobolka ee uu ku
masaaley Lubnaan iyo Mousalka Ciraaq.
XAALADDA GOBOLKA EE HADDA:
Gobolka sanaag waxa ka dhisan maamul dawladeed ka soomalia waxase jirta
degaammo aanu maamulku gaadh-siisnayn, isla markaana uu sheeganayo maamul
goboleedka Puntland. Degaamadan waa kuwa lagu mag-caabo bariga Sanaag.
Hay'daha dawladda badankoodu way ka jiraan gobolka intiisa badan sida
maamulka, Booliiska, Ciidamada millateriga, maxkamadaha iyo hay'adaha
adeegga bulshada. Xagga waxbarashada waxa ka jira gobolka dugsiyo badan oo
Hoose/Dhexe iyo sareba leh, waxase jirta in aanu gobolku haysan macallimiin
ku filan, gaar ahaan dugsiyada sare, mushaharkuna aad ugu yar-yahay. Waxa
gobolka ka furan shirkado telefoon oo dhawr ah sida S.T.C iyo Somtel.
Beelaha gobolka wada deggani nabad ayay ku wada deggan yihiin inkasta oo ay
si hawl-yar u bur-buri karto. Waxana la isla aqoonsan yahay in gobolka ay
afar beelood wada deggan yihiin oo kala ah Habar-yoonis iyo Habar-jeclo
(Isaaq) iyo Warsangeli iyo Dhulbahante (Harti). Waxa gobolka ka jira gaar
ahaan Ceeri-gaabo halhays ah "Afarta beeloodba kaa dhaaratay" oo ku yimi dad
inta la dilay cid waliba ka dhaaratay. Beelaha gobolka oo dhami way ka
muuqdaan haykalka dawladeed ee Somaliland iyo golayaashaba, si kastaba ha u
kala badsadeene. Gobolka waxa ka shaqeeya hay'ado yar-yar oo aan badnayn
sida:CARE International oo dhowaan xafiis ka furatay, CEFA iyo CINNS oo
talyaani ah kana shaqeeya beeraha iyo nadaafadda guud, Bisha cas ee
Somaliland, hay'adaha waddaniga ah ee Candlelight iyo HAVAYOCO. Waxa iyaguna
jira hay'ado (NGOs) ay leeyihiin dadka deegaanku, waxase beryahan dambe
muuqata in ay hay'aduhu aad u xiisaynayaan gobolka oo kuwo badan oo aan
xafiis ku lahayn ayaa booqasho ku taga, waxana dhowaan loo oggolaaday inay
Ceeri-gaabo tagto diyaaradda hay'adaha Qaramada midoobay. Waxa hadda
dabayaaqo ah xilligii guga, laakiin gobolku guud ahaan ma helin roobabkii la
filayey, waxana da'ay hoglo markiiba raafka xoolaha iyo cagta dadku
budlisay, iyadoo horena abaar xumi uga dhacday gobolka. Dhibaatooyin badan
ayaa guud ahaan haysta gobolkan qaniga ah dadkiisuna baahan yahay, waxana
ugu waaweyn: Waddo xumo waayo gobolku ma laha waddo keliya oo laami ama jid
cadde ah, taasina waxay wax u dhintay isgaadhsiinta degmooyinka gobolka iyo
gobollada kaleba. Ceshiimooyinka oo ay dawladdii Siyaad Barre daaq ahaan ugu
tijaabisay gobolka oo qabiil-qabiil loo kala leeyahay, nabadgelyadana
wax-weyn ayay u geysataa dhulka noocan ahi. Dhaqaale xumo iyo shaqo la'aan.
Ganacsiga oo aad u liita maadaama aanay jirin tasiilaadkii loo baahnaa sida
jidadka, dekedaha iwm. Abaaraha oo gobolka ku soo noqnoqonaya . Gumaad ku
socda dhirta qaaliga ah ee gobolku leeyahay sida Galoolka oo dhuxusha laga
shido iyo Dayibta oo tiirar loo isticmaalo. Hay'adaha adeegga bulshada oo
aan si fiican u shaqayn, daryeel fiicanna haysan sida Waxbarashada,
Caafimaadka, biyaha IWM. Marka la soo koobo gobolka Sanaag waa dhul ugbaad
ah oo dihin, una baahan ciddii ka shaqaysan lahayd. Wuxu gobolku u baahan
yahay maal-gelin xooggan iyo dad maskax furan oo aqoon yahanno ah oo seeska
u dhiga horu-marka gobolka, kana fayow waxyaabaha ay qiimeeyaan bulshooyinka
hadhaaga ahi sida qabyaallada, eexda, war-xumo tashiilka iwm.